Shabaab oo sheegtay in 5 Askari ku dileen qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kas oo baxaya qarax aroornimadii hore ee saakay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Wadada Warshadaha ee magaalada MUQDISHO.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in ay Kolonyo ka mid ah ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ay la qaraxday.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas uu ku geeriyooday Askari ka tirsan Ciidamada dowladda iyo haweeney xiliga uu qraxa dhayay ay ku dhaawacantay.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen baraha ay ku leeyihiin Intenet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay iyaga ka  dambeeyen qaraxaas isla markaana ay ku dileen 5 Askari oo saarnaa Gaariga ay qaraxa la eegteen.

Dhankooda weli wax war ah kama soo saarin Saraakiisha ciidamada AMISOM qaraxaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan in ay dileen 5 Askari oo ka mid ah Ciidamada AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*