Dhageyso:-Sanoter sheegay in Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah loo hanjabo

0
24

Kadib weerarkii hoyga Sanoter Cabdi Xaasan Cawaale Qeybdiid ayaa markii ugu horeysay waxaa ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Sare kuwaas oo ku tilmaamay weerarkaas Sharcidaro ah.

Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare  ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid Sharciga lagu xadgudbay isla markaana nidaamkii dalka lagu soo duulay.

Waxa uu sheegay in ay jirto nidaam loo maro hadii la doonayo in la tago Guriga Xildhibaanka maadaama uu xasaanad leeyahay balse ay taasi dhicin.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in marnaba aan la fileyn weerarka lagu qaaday hoyga Sanoter Cabdi Qeybdiid balse ay maqcquul tahay in uu daba joogay weerarkii horay loogu qaaday Guriga Siyaasi Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid uu qeyb ka yahay hanjabaada lagu hayo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo uu Sanoter-ka kaga hadlay dhinacyo badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here