Dhageyso:-Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka

0
60

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir haddana ah la taliyaha dhanka amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa eedeyn kulul waxa uu u jeediyay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Tarsan ayaa shegay in Xildhibaanada ay ka gudbeen waxyaabihii loo doortay isla markaana ay galen Ganacsi Siyaasadeed.

“Baarlamaankenii Shaqadii loo doortay mahayaan waxay ahaayeen sharci dejiyaal balse waa ay ka tageen waxa ay galeen Ganacsi Siyaasadeed waqtigii madaxda ugu sareysa dalka iyaga ayaa qaatay waxayna madaxda Qaranka ku noqdeen argagax waxayna noqdeen kuwo lagu cabsigeliyo ayuu yiri tarsan”

Dhinaca kale Tarsan ayaa sheegay in mudo 5 Sano ah dalka Soomaaliya uu kaalmaha hore ka galay dhanka musuq maasuqa isla markaana xeer ilaaliyaha Qaranka uusan keenin Maxkamad cid loo heysto musuq maasuq.

Hadalka la-taliyaha dhanka Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku soo aadaya xili la hadal hayay in Xildhibaanada qaarkood ay mooshin ka wadaan madaxda ugu sareysa dalka,waxana horay u jirtay in mudane ka tirsan Baarlamaanka uu sheegay in uu ka mid ahaa Xildhibaano saxiixay mooshin balse uu ka laabtay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Tarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here