13 ka mid ah Dagaalyahanada Shabaab oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom),  ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen subaxnimadii 24-kii December 2017-ka koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale,Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya,meeshana laga saaro Al-Shabaab.

Mareynkanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Amaanka Qaranka Soomaaliya (SNSF), ay kala shaqeyn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaamedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan Argagaxisada,goobaha ganbaadka u ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka intuba.

Mareynkanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balaan qaaday  iney siinayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM iney siinayaan tagaarada dagaalka dhanka ah Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgalo ka wada gobollada dalka kuwaasoo bur buriyay saldhigyo Shabaab ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*