Dhageyso:-Ciidamada dowladda oo weerar ku ah tuulooyin Shabaab ka joogaan D/Qoryooleey

0
154

Taliska Guud ee Booliiska degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo qorsheysan oo ay sheegeen in dhawaan ka sameynayaan tuulooyinka hoostaga degmadaas.

Taliyaha saldhiga degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in qorshahaas ay waqti hore dejiyen isla markaana ay dhawaan howlgalkaas bilaabi doonaan.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in dhammaan tuulooyinka hoostaga degmada qoryooleey kala wareegaan Al-Shabaab oo qaarkood tuulooyinkaas maamula.

Sikastaba hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili dhowr mar Al-Shabaab ay weerar ku soo qaden fariisinka Ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Qoryooley.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here