Ciidamada Puntland oo qabtay Rag ka tirsan Al-Shabaab

0
48

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa Saraakiishooda waxa ay sheegeen in ay Gcanta ku dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo doonayay in ay dhibaato ka geystaan deegaanada Maamulkaas.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah waxa ay uga sameeyeen Buuraha Harweyn iyo Calmdoow ee Gobolka Bari, iyaga oo ku soo qabtay ilaa Saddex rag ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yiuhiin Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in raggaan ay hadda ku hayaan Xarumaha Ciidamada isla markaana ay baaritaano ku hayaan.

Sanadihii u dambeeyay Puntland ayaa wajaheysay dagaalo iyo dilal qorsheysan oo kaga imaanayay dhanka Al-Shabaab iyo Daacish,waxana dhanka kale barbar socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Puntland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here