Monthly Archives: November 2017

DEGDEG: Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay Madaxtinimadda Dalka Kenya

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya, David Maraga ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashadii Ku-celiska ah ee dhacday bishii hore ee October 26-dii. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Maxkamadda xukmisay inay Sharci ahayd Doorashadii Ku-celiska, oo uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo xilka sii hayn doona Shanta sanno ee soo socota. Guddoomiyaha waxa uu intaasi ku ...

Read More »

Dhageyso:-Khilaafkii Ka Dhashay Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle Oo La Xaliyay

Weli Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa ka socda kulamo wadatashi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaanada si loo soo Magacaabo Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle. Xildhibaanada iyo Madaxweyne Waare ayaa isku khilafsanaa in xildhibanada laga soo dhex xulo Wasiirada halka Madaxweyne Waare uu shaaciyay in uu banaanka ka keenayo Wasiirada. Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim oo ...

Read More »

Taliska Dhexe Ee Ciiddanka Maraykanka Ee Ka Hawlgala Somalia Oo Loo Soo Wareejiyey Muqdisho

Tirada Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Somalia ayaa la sheegay in aad loo kordhiyey sannadkan, lana gaarsiiyey in ka badan 500 oo Askari. Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegtay in boqolaal Askar dheeraad ah u soo daabuleen Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka Deegaanka Talooyin ka siinaya Dagaalka lagu jiro Alshabaab iyo Daacish-ta ku sugan Puntland. Afhayeenadda Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga ...

Read More »

Madaxweynaha Zimbabwe Oo Sheegay Inuu Is-Casili Doonin

Madaxweyne Robert Mugabe ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbad uu xalay ka jeediyey Telefishinka Qaranka ee ZBC oo uu kula hadlay Shacabka dalkiisa, wuxuuna ku gacan sayray cadaadiska lagu saaray inuu Xilka ka dego. Mugaabe oo isagoo jooga gurigiisa ka hadlay Telefishinka waxa uu Reer Zimbabwe u sheegay inuu bisha soo socota guddoomin doono Shirweynaha Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi, inkastoo shalay laga ...

Read More »

Dhageyso:-Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Digniin Soo Saaray

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo Muqdisho shir Jaraa’id ku qabtay ayaa uga digay dad uu sheegay in ay dhisanayaan Xarumihii Ciidanka Asluubta. Waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in Xarumahaas la dhisto isla markaana uu bilaabanayo isla xisaabtan ku aadan sidii looga hortegi lahaa. Sidoo kale wxa uu sheegay in dhulka Ciidanka ...

Read More »

Wasiirka Maaliyadda oo Maanta horgeyn doona Baarlamaanka Miisaaniyadda 2018-ka

Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Wasiirka Maaliyadda XFS Dr C/Raxmaan Ducaale Bayleh ayaa maanta horgeyn doona Miisaaniyadda Dalka ee sanadka 2018-ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo ansaxiyo. Wasiirka oo isu diyaariniya hortegitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro ...

Read More »

Dhagayso: Banaanbax Lagu Xusayo Bishii Uu Dhashay Nabi Muxamed NNKH Oo Cadaado Bari Lagu Qaban

Xili Bari Ay Kubeegantahay Kowda Bisha Rabiicul Awal Ahna Bishii Uu Dhashay Nabi Muxamed NNKH Ayaa Cadaado Waxaa Lagu Wadaa Inuu Kadhaco Banaanbax Lagu Weynaynayo Dhalashada Rasuulka Scw Banaan Baxa Waxaa Sooqab Qaabiyey Ururuka Midnimo Ee Dhalinyarada Ehlu Suna Wal Jameeco. Xoghaya Ururuka Dhalinyarada Ehlusuna Ee Dagmada Cadaado  Mahdi Xuseen Maxamuud Ayaa Radio Cadaado Uga Warbixiyay Banaan Baxa Bari Kadhici ...

Read More »

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Wadanka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan ...

Read More »

Dhageyso:-Howlgallo Gaar Ah Oo Ka Socda Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgalka ka wada Nawaaxiga Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose halkas oo ay ku sugan yihiin  Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in dhawaan Degmada ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Wadanka Imaardka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka ...

Read More »