Dhageyso:-Waxgaradka Magaaloyinka Cadaado iyo Cabudwaaq oo ku guuleystay siideynta Dad iyo Gawaari lakala heystay

Waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,Ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa Galabta kulan ku yeeshay Odayaal ka kala socday degmooyinka  Cadaado iyo Cabudwaq ee G/Galgaduud kulankas oo xal looga gaaray xiisad sababtay in dad iyo Gawaari lakala afduubto

Odoyaasha Iyo Waxgaradka Dagmooyinka Cadaaco Iyo Cabudwaaq ee kulmay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay Siidaynta  dad Gaaraya Ilaa 6 Kuwaas oo lagu Kala Haystay Labada Magaalo.

Odoyaasha ayaa Sidoo kale ku guuleystay Siidayn Gawaari iyana la kala heystay.

Nabadoon Xasan dhoore oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Cadaado kana mid ahaa Odayaashii kulmay ayaa ka warbixiyay kulankaas iyo waxaybihii ka soo baxay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

Waraysiga Waxaa Qaadey Wariye Sharmaarke Suuley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*