DEG DEG:-Dagaal Culus Oo Ka Socda Duleedka Degmada Balcad

War Goordhow Radio Cadaado  ka soo gaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa uu sheegayaa in duleedka degmadaas uu dagaal haatan ka socdo.

Dagaalka ayaa waxa uu sigaar ah uga socdaa deegaanada kala ah Baqdaad,Alfoow iyo Gaalgube oo u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisinka Ciidanka dowladda oo maalma ka hor kala wareegay.

Goobjoogayaal ayaa waxa ayaa Radio Cadaado  u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac ah balse aan la xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah inta uu la egyahay.

Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa ah dhul dhoobey ah oo inta badan asyan marin krin Gaadiidka maadaama halkaasi uu ka Da’ay roobkii deyrta.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*