Monthly Archives: October 2017

Howlgallo laga fuliyay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka fuliyay degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee Magaalada ee Muqdisho. Howlgalka oo ahaa Mid qorsheysan ayay ciidamada Amniga ay ka fuliyeen Xaafado ka mid ah degmooyinkaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu xaqiijinaayay Ammaanka Caasimadda oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayay falal lidi ku ah Ammaanka. Intii uu ...

Read More »

SAWIRRO: Booliska Muqdisho oo soo Bandhigay Hub iyo Maandooriyeyaal.

Ciidamada Booliska ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley kusoo qabtay , xashiish Taargoyinka gawaarida, bistoolado, iyo dareeska isticmaalan ciidanka dalka. Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana goobta lagu soo bandhigaayay tagay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale Gacanta lagu soo dhigay raggii falkaasi sameynaayay. Mas’uuliyiintii halkaasi tagay ayaa Warbaahinta ...

Read More »

Faahfaahin Qarax lala eegtay taliye ka tirsan Ciidamada Xoogga.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare gaystay oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya. Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad Ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna maraayay xilliga qaraxa lala beegsanaayay inta u dhaxeysa degaanka Tareedisho iyo degaanka Garasbaaley, waxaana qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago. Gaadiidka dagaalka ...

Read More »

Taliyeyaal Xilka laga qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa ku dhaawaqay in xilkii laga qaaday taliyeyaasha Nabad suggidda iyo Booliska degmada Xamarweyne. Wasiirku waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xabsiga la dhigay Askar ka tirsan ciidamada dowladda. 12 Askari oo ku sugnaa labo saldhig oo ku yaalla Xamarweyne ayaa sidoo kale la xiray Wasiirka sida uu shaaciyay. 27kii Bishii ...

Read More »