Monthly Archives: October 2017

QM iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay xoojinta ammaanka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Amb. Micheal Keating iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, socdayna mudo saacado ah ayaa waxaa looga hadlay ...

Read More »

Warar ku saabsan Sarkaal lagu dhaawacay Muqdisho.

Koox hubeysan ayaa saakay weerar ku qaday Gaari uu watay C/laahi Shiikh Cumar oo la sheegay in uu yahay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka. Weerarka ay ku qaadeen Kooxda hubeysan sarkaalkan ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud, waxaana dhaawiciisa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo. ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay shirka Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo xalay ka furmay Guriga Martida ee Jubbaland. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirkan furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ...

Read More »

Taliyaha CXDS oo gaaray degaanka Bariire.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” ayaa gaaray degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose , halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay Weeraro kala duwan ay ku qaadaayeen. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa taliyaha kusoo dhaweeyay degaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose, waxaana uu tagay Saldhigga Ciidamada dowladda ee halkaasi ku yaalla. Generaal Cirfiid ...

Read More »

SAWIRRO: Wasiir Juxa oo la kulmay dhigiisa Finland.

Cabdi Faarax Saciid(Juxa) Wasiirka Arrimaha Gudaha  ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka Finland kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Mrs. Paula Risikko. Wasiir Juxa ayaa kala hadlay Haweenayda dalkaasi ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Finland taageero ...

Read More »

Shabaab oo Jilib ku soo bandhigay askar ka goosatay Jubbaland.

Al Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen Afar askari oo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo. Ciidamadaan Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa Afar askari oo Shabaab ay sheegeen inay muddo la soo shaqeynaayeen ciidamada Jubbaland, kadibna ay go’aansadeen ciidankaan inay ka ...

Read More »

Dhageyso Shacabka Galmudug Sidee U Arkaan Go,aankii Kasoo Baxay Maxkamadda Sare?

Shacabka maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug ayaa waxa ay ka hadleen go’aankii Maxkamadda Sare ee maamulkaasi Saddexdii bishan ay ku sheegtay in ay sharci yihiin dhammaan xilka qaadistii Madaxda Galmudug. Qaar ka tirsan shacabka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye Sheekh Cali in uu ahaa go’aan ...

Read More »

SAWIRRO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo gaaray magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo. Wafdiga Shariif Xasan waxaa garoonka kaga hortagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa, sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qeyb qaatay dad badan. Magaalada Kismaayo ayaa laga iclaamiyay in maalinta Axada uu ka furmayo shir lagu ...

Read More »

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Gobolka Sh.Hoose.

Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Qarax Xoogan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay nawaaxiga Degmada Buulomareer ee Gobolkaasi . Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM, kuwaasi oo ku wajahnaa Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh.Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay ...

Read More »