Madaxweynaha Iiraan oo digniin u jeediyay Mareykanka

0
3
iranLahaanshaha sawirkaEPA

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruhani ayaa sheegay in dalkiisu uu sameysan doono hub kastaa oo muhiim u ah in uu iska difaaco weerar lagu soo qaado.

Ruhani oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Iiraan kobcinta iyo sameysashada hubka sida gantaallada oo kale aysan ka dhignayn in ay jebineyso heshiisyada caalamiga ah.

Waxa uga digay Mareykanka ka bixitaanka heshiiskii ay wada saxiixeen Iiraan iyo quwadaha lixda ah ee caalamka, arrintaa oo ay sheegay in ay u daran tahay danaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan diiday in uu ansixiyo heshiiskaasi, waxa uuna Iiraan ku tilmaamay waddan ay ka go’antahay taageerada argagixisada.

 

 

w\q\ wariye cabdullaahi qanciye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here