Hogaamiye Hazard oo guul muhiim ah Chelsea ka siiyay naadiga Bournemouth October 29, 2017 SHAREFacebook Twitter

Hogaamiye Eden Hazard ayaa kooxdiisa Chelsea ka caawiyay inay safarkii ay ku tageen garoonka naadiga Bournemouth guul kala soo laabteen.

Chelsea ayaa 1-0 guusha kaga qaadatay kulankaan naadiga Bournemouth waxayna Blues haatan gaartay 3-guul oo isku xigo mudo 8-maalmood gudaheeda ah.

Hazard ayaa daqiiqadii 51-aad u dhaliyay Chelsea goolka ay guusha ku qaateen waxaana caawinaad ka geestay Alvaro Morata.

Chelsea waxay haatan guuleysatay 9-ka mid ah 11-kulan ee ugu dambeesay kulamada Premier League oo ay ku cayaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Blues guusha ay gaartay waxay ka dhigan tahay inay leedahay 19-dhibcood 10-kulan oo ay EPL cayaartay sidoo kalena booska 4-aad ayay dhanka kala sareynta horyaalka kaga jiraan.

Macalin Antonio Conte ayaa ku faraxsan safarka ay guul kusoo gaareen garoonka Bournemouth, waxayna Chelsea hada isku diyaarin doontaa labada kulan ee kusoo fool leh Roma iyo Man United la cayaari doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*