Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax Labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ka dib Qarax xooggan oo Saacad ka hor ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood ee degmada Xamarweyne.

Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi,islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka agdhawaadaan.

Waxaa jira khasaare Kooban oo uu sababay Qaraxa ka dhacay daljirka

 

W/Q Wariye  Nuuradiin Nadka

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*