Puntland oo qabatay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

0
70

Wararka naga soo gaaraya Buuraha Calmadow ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ka fuliyeen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaan u dhow degaanka Afurur oo horay Al-Shabaab ay ku qaadeen Weerar Khasaare badan geystay.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Ammaanka howlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay Shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ahaa Mid qorsheysan, waxaana warar qaar aya sheegayaan in dagaal Kooban uu dhexmaray labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa inta badan Puntland  ku eedeysa in Weerarada ka dhaca gobolka Bari  laga soo Abaabulo Buuraha Galgala.

Puntland ayaa howlgal aan kala joogsi lahayn ka waday buuraleyda Calmadow tan iyo markii ay Al-shabaab weerar gaadmo ah ku soo qaaday fariisan ay ciidamada Puntland ku lahaayeen Tuulada Af-urur.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here