Guddiyadda joogtada ah oo ka shiraya Qaraxii Zoobe

0
98

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeelanaya Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada joogta ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Shacabka iyo Guddoonka Sare.

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlaya Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Gaashaandhiga ee Golaha Shacabka ayaa Idaacadda RadioCadaado u sheegay in Guddiga uu ka shirayo sida laga yeelayo qaraxyada dadka badan ay ku dhintaan ee ka dhaca Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda ugu baaqay in ay meel ugu soo wada jeestaan sugidda amaanka guud ee dalka iyo ka hortagga Qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here