Madaxweyne Farmaajo oo tagay isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba.

0
75

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tagay qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba,wuxuuna madaxweynuhu  dhiig u shubay dad Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaato culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay Qaraxaasi wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir looga wada qeyb qaato Gurmadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aaddan musiibadii qaran ee ka dhalatay qaraxyadii Muqdisho.

W/Dh Wariye Nuuradiin Nadka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here