Qarax Gaari oo ka dhacay Isgoyska Zoobe.

0
245

qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho, qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Isgoyska Soobe oo aad u saxmad badan ayuu qaraxan ka dhacay, waxaana wararka ay sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo qaraxa ka dhashay.

Dhawaqa qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay rideen ciidamada Dowladda, maadaama si wayn qaraxa looga qalqalay.

Gaariga qaraxan loo adeegsaday ayaanan la ogeyn nooca uu yahay.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxayn wadaan daadgureynta dadka waxyeelada ay soo gaartay.

Wixii kusoo kordha kala soco RadioCadaado.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here