Warar ku saabsan Sarkaal lagu dhaawacay Muqdisho.

0
203

Koox hubeysan ayaa saakay weerar ku qaday Gaari uu watay C/laahi Shiikh Cumar oo la sheegay in uu yahay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka.

Weerarka ay ku qaadeen Kooxda hubeysan sarkaalkan ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud, waxaana dhaawiciisa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan Sarkaalka la weeraray in uu yahay Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

Xilliga gaariga la weeraray Sarkaalkan ayaa wuxuu Shidaal kaga shubanayay meel u dhaxeysa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley, gaar ahaan Aargada.

Raggii hubaysnaa ee falkaasi ka dambeeyay, ayaa durba meesha ka baxsaday, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaano bilaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here