SAWIRRO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo gaaray magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga Shariif Xasan waxaa garoonka kaga hortagay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa, sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qeyb qaatay dad badan.

Magaalada Kismaayo ayaa laga iclaamiyay in maalinta Axada uu ka furmayo shir lagu dhex-dhexaadinayo Dowlada Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada ee la saftay Sacuudiga waxaana saacadaha soo socda halkaasi ku wajahan Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Madax kale.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*