Koox hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Jowhar.

0
251

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay laba qof oo shacab ah ku dileen inta u dhaxeysa degaanka Garsaale iyo Boorow oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Labadan qof ee la dilay ayaa waxa ay la socdeen Mooto Bajaaj, sida RadioCadaado ay u sheegeen xoolo dhaqato halkaasi ku sugneyd, waxaana dadka la dilay loo maleynayaa in ay ahaayeen Beeraley.

Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay warkan, waxayna sheegeen in ay wadaan baaritaanada la xiriira falkan iyo cidii ka dambeysay dilka dadkan shacabka ah.

 Mudooyinkii dambe ayaa waxaa falal amni daro ay ka dhacayeen wadooyinka dhinaca galbeed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
W/Q Wariye Nuuradiin Nadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here