Ciidamada AMISOM oo qof Shacab ah ku jiiray Muqdisho.

0
181

Wararka naga soo gaaraya Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Gawaarida ciidamada AMISOM ay ku jiireen ruux la sheegay in ay aheyd Haweenay.

Qofka dumarka ee ay jiireen Gawaarida AMISOM ayaa ka mid aheyd Ganacsatadda Qaadka sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Haweenayda ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus,islamarkaana waxaa loo cararay Isbitaalka.

Ciidamada Ammaanka ayaa ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigaan Gaarigii Falkaasi geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here