Taliyeyaal Xilka laga qaaday.

0
230

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa ku dhaawaqay in xilkii laga qaaday taliyeyaasha Nabad suggidda iyo Booliska degmada Xamarweyne.

Wasiirku waxaa uu sidoo kale tilmaamay in xabsiga la dhigay Askar ka tirsan ciidamada dowladda.

12 Askari oo ku sugnaa labo saldhig oo ku yaalla Xamarweyne ayaa sidoo kale la xiray Wasiirka sida uu shaaciyay.

27kii Bishii hore weerar ka dhacay degmada Xamarweyne ayaa lagu dilay Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka haweenka Qaranka iyo sidoo kale xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here