SAWIRRO: Booliska Muqdisho oo soo Bandhigay Hub iyo Maandooriyeyaal.

0
210

Ciidamada Booliska ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley kusoo qabtay , xashiish Taargoyinka gawaarida, bistoolado, iyo dareeska isticmaalan ciidanka dalka.

Howlgalkaan ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana goobta lagu soo bandhigaayay tagay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Gacanta lagu soo dhigay raggii falkaasi sameynaayay.

Mas’uuliyiintii halkaasi tagay ayaa Warbaahinta u sheegay in lasii waddi doono howlgallada Amniga Caasimadda lagu xaqiijinaayo.

Howlgallada ka socda Muqdisho ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xalay howlgallo laga fuliyay degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here