Faahfaahin Qarax lala eegtay taliye ka tirsan Ciidamada Xoogga.

0
217

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare gaystay oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada Militariga Soomaaliya.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad Ciidamada Militariga Soomaaliya, wuxuuna maraayay xilliga qaraxa lala beegsanaayay inta u dhaxeysa degaanka Tareedisho iyo degaanka Garasbaaley, waxaana qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

Gaadiidka dagaalka Sarkaalkaan uu watay oo meesha maraayay, ayaa mar kaliya qaraxa miinada lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay ciidamo ka mid ahaa kuwii saarnaa Baabuurka.

C/laahi Gaambure oo ka mid ah Maamulka degaanka Garasbaaley, ayaa u sheegay Warbaahinta in ciidan saarnaa gaari Cabdi Bile ah qaraxaasi ay ku dhaawacmeen, balse uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay qaraxa.

Ciidankii qaraxa ku dhaawacmay, ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay oo lagu magacaabo Aadan Laba Afle ayaa ah Taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here