Monthly Archives: October 2017

Jaamacadda Carabta oo War kasoo saartay Qaraxii Hoteelka Naasa hablood October 30, 2017

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa war deg deg ah kasoo saaray Qaraxii  lagu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka Naasa Hablood2. War kasoo baxay Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in uu ahaa Qaraxaasi mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay Shacab oo aan waxba galabsan. Ururka Jaamacadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda. ...

Read More »

Sidee u dhacday Xilka Qaadistii Taliyeyaasha Booliska iyo NISA October 29, 2017

Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay Al-Shabaab  ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho. Ugu horreyn, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha ...

Read More »

Farmaajo oo furay shirka wadatashiga Amniga Qaran (SAWIRRO) October 29, 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah Xarunta Madaxtooyada uga furay shirka wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkan ayaa Madaxdu waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha siyaasadda dalka, wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Faarax ...

Read More »

Hogaamiye Hazard oo guul muhiim ah Chelsea ka siiyay naadiga Bournemouth October 29, 2017 SHAREFacebook Twitter

Hogaamiye Eden Hazard ayaa kooxdiisa Chelsea ka caawiyay inay safarkii ay ku tageen garoonka naadiga Bournemouth guul kala soo laabteen. Chelsea ayaa 1-0 guusha kaga qaadatay kulankaan naadiga Bournemouth waxayna Blues haatan gaartay 3-guul oo isku xigo mudo 8-maalmood gudaheeda ah. Hazard ayaa daqiiqadii 51-aad u dhaliyay Chelsea goolka ay guusha ku qaateen waxaana caawinaad ka geestay Alvaro Morata. Chelsea waxay haatan ...

Read More »

DF oo loogu baaqay inay joojiso faragelin la sheegay inay ku hayso M/Goboleedyada (SAWIRRO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Shir Watashi ah isugu yimid Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Haween, iyo Dhalinyaro ka soo jeeda deganada maamulada Galmudug iyo Hirshabeele. Shirkan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa lagu lafa guray xaalada dalka uu marayo dhinacyada siyaasadda, aminga, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta. Shirka ayaa waxaa ...

Read More »

Maclumaad ku saabsan ammaanka garoonka Heathrow oo laga helay meel wado ah

Image captionGaroonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London Maamulka garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sida uu ku baxay macluumaad ku saabsan ammaanka garoonka diyaaradaha kaddib markii cajalad ay ku keydsantahay maclumaad la xiriira ammaanka heathrow laga helay goob wado ah. Jariirada the Sunday Times ayaa kusoo warrantay in cajaladaasi ay laheyd sideed qaanad, ...

Read More »

Madaxweynaha Iiraan oo digniin u jeediyay Mareykanka

Lahaanshaha sawirkaEPA Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruhani ayaa sheegay in dalkiisu uu sameysan doono hub kastaa oo muhiim u ah in uu iska difaaco weerar lagu soo qaado. Ruhani oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Iiraan kobcinta iyo sameysashada hubka sida gantaallada oo kale aysan ka dhignayn in ay jebineyso heshiisyada caalamiga ah. Waxa uga digay Mareykanka ...

Read More »

Obama oo ku biiraya xeerbeegtida gobol ka mid ah Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa loogu yeeray in uu ka mid noqdo xeerbeegtida gobolka Illinois ee dalkaasi, waxaana sida la sheegay Obama uu qorsheynayaa in uu shaqadaasi qabto. Ilaa iyo haatan lama shaacin macluumaad badan oo arrintan ku saabsan basle Obama ayaa la filayaa in bisha soo socota uu ku biro xeerbeegtida magaalada Cook. Obama oo 56 sano ...

Read More »

Weerarkii Hoteel Naasa Hablood oo la soo afjaray

Lahaanshaha sawirkaEPA Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa aroornimadii maanta soo afjaray weerarkii hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho oo dabley hubeysan ay shalay gudaha u galeen. Weerarkaa ayaa ku billowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hoteelka oo ku yaal inta u dhaxaysa Ex-Baarlamaan iyo Tiyaatarka, ka hor inta hoteelka aysan gudaha u gelin koox hubaysan. Daqiiqado ...

Read More »

Qarax Labaad oo ka dhacay Muqdisho.

Qarax Labaad ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ka dib Qarax xooggan oo Saacad ka hor ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood ee degmada Xamarweyne. Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi,islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen ...

Read More »