Monthly Archives: September 2017

Wasiirka amniga: “Xilkeyga ayaan ku waynaa haddii aan la soo qaban raggii dilka X/weyne ka gaystay.

Wasiirka amniga Soomaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa walaac ka muujiyay falalka amnidarada ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo dilal qorsheysan oo shalay ka dhacay Magaalada. Maxamed Abuukar Islaaw, ayaa sheegay in loo baahan yahay soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii Xamar weyne ka dhacay, waxaana uu intaasi ku daray, haddii la soo qaban waaya in Saraakiil badan oo ciidamada ...

Read More »

Madaxweyne Carabey “Diyaaradaha Muqdisho way ku degi karaan Galmudug,

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabe) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ku sheegay in aysan jriin wax caqabad ah oo ka jira Duulimaadyada degaanada Galmudug ee ka imaanaya Muqdisho. Shirkadaha Duulimadyada ayuu faray in ay si toos ah u gutaan dhammaan adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug. Maxamed Xaashi Cabdi (Carabe) Madaxweyne ku ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay ee Khilaafka Madaxda Galmudug.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay ka dib Markii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay  Xabsi guri ku jiraan . Waxgaradka kasoo jeedda degaanada maamulka Galmudug ayaa bilaabay dadaallo kala duwan oo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda Galmudug. Xildhibaanada Galmudug ayaa kulan ay yeelan lahaayeen uu baaqday dhowr maalmood ...

Read More »

DAAWO SAWIRRADDA: Madaxweyne Farmaajo oo kusii Jeeda dalka Sucuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga. Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa Madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku tagaayaan dalkaas, halkaas oo kulamo ay la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan ...

Read More »

SAWIRRO: Wasiir Beyle oo gaaray Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Dr C/raxmaan Ducaale iyo Wasiirada Maaliyadeed ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland. Wasiir Beyleh ayaa shir gudoominaya Shirka Maaliyadeed ee ka furmay Magaalada Garoowe. Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlaya sida ugu wanaagsan ee loo horumarinkaro maaliyadda Soomaaliya. Garoonka diyaaradaha waxaa waftigaan ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Puntland C/qaadir Siciid Carshe ...

Read More »

Maamulka Galmudug Oo Soo Saaray War Cusub.

Maamulka Galmudug ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ku saabsan Faragelinta Galmudug ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku heyso maamulka Galmudug. Wasiirka warfaafinta  Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa sheegay in hoggaanka dawalda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ay ku hayaan Galmudug  faragelin qaawan. 1. In  maamulka Galmudug uu ku faraxsan yahay sida dadka gobolka diyaar ugu yihiin difaaca ...

Read More »

ciidamada dowlada oo xiray isgoyska KM4.

Wararka aan ka heleyno isgoyska KM4 ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay xireen gabi ahaan wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Arinta waxay ka dambeysay kadib markii gaari laga shakiyay lagu arkay wadada aada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Gaari oo noociisu yahay Kaarib ayaa la dhigay dhanka midig ee wadada Aadan Aadan Cadde Airport, waxaana ciidamada ay diideen ...

Read More »

Akhriso Warqado Cadeyn ah oo muujinaya Duulimaadka Madaxweynaha Galmudug ee la hakiyay.

madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle geelle Xaaf ayaa shalay laga hor istaagay in uu kasoo duulo garoonka diyaradaha hargeysa, Sababaha ugu weyn ayaa lagu sheegay in Dowlada somaliya ka danbeesay arintaasi kadib markii ay qoreen warqad ay ku sheegeen in diyaaradaha ka dagaya Gaalkacyo iyo Cadaado aysan awoodin mada halkaasi uu ka jiro cilad farsamo. Sababta dowlada ay arintaasi ku waday ...

Read More »

Deg Deg Gudiyada Galmudug iyo Puntland oo Gaalkayco ku gaaray Heshiis Hordhac ah iyagoo Qodobo kasoo saaray.

Guddiyada Nabadgelyada Gobolka Mudug ee kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug ayaa yeeshay kulan deg deg ah waxayna ka shireen arrimaha  taagan ee nabadgelya darrada ee ka jirta Gobolka. Guddiyada Nabadgelyada ee labada dhinac ayaa kala ahaa Maamulada heer Gobol, Maamulada heer Degmo iyo Saraakiisha ciidamada isku dhafka ah ee ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Kulanka ayaa si ...

Read More »

PSG Oo Ka Dulqaadeysa Man City Saxiixa Sanchez & Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Jimce Ah.

Manchester City ayaa ka baqeysa in PSG ay haatan ugu cadcadahay saxiixa weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga danbe, waxaana lagu waramayaa inuu doonayo mushahar gaaraya 400 kun ginni isbuucii. (The Sun) Liverpool ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 18 jirka daafaca dhexe ee kooxda Leipzig Dayot Upamecano. (Metro) Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga ...

Read More »