Xaalada Galmudug ee ka taagan Cadaado oo Xalkeeda u danbeeyay ku soo idlaatay Xilal leeska Qaadayo.

0
47

Xaalada magaalada Cadaado ayaa markale waji cusub yeelatay waxaana u muuqataa mid markaan lagu xalinayo xil ka qaadis.

Madaxda Galmudug ee khilaafka ka dhex jiro ayaanan wali heshiis ka gaarin waxana mid kasta uu ku adkeesanayaa go.ankiisa.

Wararkii ugu danbeeyay ee Mudug24 heshay ayaa tilmaamaya in Xalka uu ku soo aruuray xil ka qaadis.

Xil ka qaadista hada la wado ayaa ku wajahan madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Qorshaha Madaxweyne Xaaf ayaa ah in Xilka Laga qaado ku Xigeenka hadii aysan dhicin wada hadal dhab ah oo arinta lagu xaliyo.

Xaaf ayaana heesta xildhibaano taageersan kuwaasi oo awood u leh in ay xilka ka qaadaan madaxweyne ku Xigeenka Galmudug.

Dhanka kale nabadoono iyo waxgarad Galmudug ah ayaa madaxweynaha iyo dhinacyada kale kula talinaya in aan arintaasi lagu dagdagin oo lasugo.

Ugu danbeyn madaxweyne Xaaf ayaa ku guuleestay in uusan hirgalin qorshaha Dowlada lakin waxaa taagan khilaaf Xoogan.

Wixii ku soo kordha lasoco

RadioCadaado.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here