PSG Oo Ka Dulqaadeysa Man City Saxiixa Sanchez & Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Jimce Ah.

Manchester City ayaa ka baqeysa in PSG ay haatan ugu cadcadahay saxiixa weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga danbe, waxaana lagu waramayaa inuu doonayo mushahar gaaraya 400 kun ginni isbuucii. (The Sun)

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo 18 jirka daafaca dhexe ee kooxda Leipzig Dayot Upamecano. (Metro)

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Santos 27 sanno jirka Lucas Lima kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo bilowga sannadka cusub. (talkSPORT)

Madaxa kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa sheegay in kooxda Talyaaniga aysan u awood u yeelan doonin inay ka celiso Paulo Dybala inuu ku biiro Barcelona haddii uu 23 jirkaan doonayo. (The Sun)

Manchester United ayaa seegi doonta saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann, iyadoo xiddiga Faransiiska uu go’aansaday inuu la sii joogo kooxda ka dhisan La Liga. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa dadaal ku bixineysa saxiixa daafaca Marseille 19 sanno jirka Christopher Rocchia. (Metro)

Si kastaba, tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa aysan haatan xiiseyneynin saxiixa daafaca dhexe ee West Brom 29 sanno jirka Jonny Evans kaasoo kooxda lala xiriirinayay xaagagan. (Daily Star)

Paul Pogba ayaa lagu amray inuu qaato fasax 10 maalmood ah ka hor inta uusan bilaabin ka soo kabsashada dhaawaciisa muruqa bowdada. (The Sun)

Chelsea iyo Manchester United ayaan wax fursad ah u heysanin inay gacanta ku dhigaan xiddiga Bayern Munich Rafinha ilaa iyo inta uu wacdarro u dhigayo kooxda Jarmalka. (The Sun)

Arsenal ayaa kula biirtay Liverpool iyo Manchester City tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee Schalke Leon Goretzka. (Daily Mirror)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*