LA OGAADAY: Labo Ka Mid Ah Kooxaha U Tartamaya Hanashada Premier League Oo Hogaaminaya Kooxaha Ugu Qaladka (Foul) Badan Horyaalka Xilli Ciyaareedkan.

Inta badan waxaa la fishaa in kooxaha yaryar ay noqdaan kuwa qaladaadka ugu badan geysta madaama kubada inta badan laga heysto oo raacashadooda ay aad u badan tahay, laakiin xilli ciyaareedkan labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Premier League ayaa hogaaminaya liiska qaladaadkii ugu badnaa ee la galay xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ee inta badan qalad laga dhigay waa Chelsea iyo Manchester United.

Kooxda Antonio Conte ayaana u sareeya liiskaan, iyagoo galay 68 qalad xilli ciyaareedkan halka kooxda Jose Mourinho ay ku jirto kaalinta labaad iyagoo galay 63 qalad.

Taas bedelkeeda kooxaha kale ee waa weyn waxa ay liiskaan kaga jiraan meel hoose.

Arsenal iyo Tottenham waxa ay sameeyeen min 58 qalad xilli ciyaareedkan, waxaana ay liiska kaga jiraan kaalinta lixaad, laakiin Manchester City waxa ay ku jiraan kaalinta 16aad iyagoo sameeyay 46 qalad, halka Liverpool ay ku jirto boosaska ugu danbeeya ee kaalinta 19aad iyagoo sameeyay kaliya 42 qalad.

Kooxda Chelsea kaliya ma hogaamineyso qaladaadka laga dhigay laakiin sidoo kale waxa ay xilli ciyaareedkan qaateen seddex kaar casaan ah, kaliya Manchester United oo labo qaadatay ayaa ah kooxda kale ee in ka badan hal casaan ah la siiyay xilli ciyaareedkan.

Chelsea waxa ay sidoo kale kaalinta seddexaad uga jiraan caalamada hurdiga iyagoo qaatay 10 kaar oo hurdi ah. Kaliya Crystal Palace (14) iyo Newcastle (12) ayaa qaatay huruud ka badan xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*