Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si cad u sheegay in Xukuumadda ku qaldaneynd dhiibista Qalbi dhagax,

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha taageersan ka doodista dhiibista C/kariim Qalbi dhagax oo maanta hadal kooban ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay ineysan marnaba aqbaleyn in dhiibista Qalbi dhagax Xukuumada  marmarsiiyo uga dhigto Heshiisyo aan jirin.

Wuxuu sheegay iney markaasi heshiis gaareen Labo maamul oo kala ah Galmudug iyo DDSI, iyaguna ay ahaayeen kuwo heshiiyadii ay gaareen Labadaasi maamul ku howlgaleen.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Heshiisyada ay horay u galeen uusan ku jirin Maxaabiis la isweydaarsanayo.

Xukuumadda Kheyre ayuu sheegay iney tahay mid dano kale oo qarsoon leh, islamarkaana muhiim ay tahay in dib loo eego kalsoonideeda.

Banaanbaxa lagu taageerayo Go’aanka Xukuumadda ka qaadatay Arinta Qalbi dhagax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*