Ismiidaamin ka dhacday magaalada Kapul.

0
69

Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Kapul ee dalka Afganistan gaar ahaan Garoonka lagu cayaaro cayaarta Cricket-ka ayaa dilay ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari.

Dhammaan cayaartoyda iyo daawadayaasha ayaa lagu soo waramayaa in ay caafimaad qabaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay warbixinada hordhaca ah inay muujinayaan dhimashada hal Askari iyo laba qof oo rayid ah, welina uu socdo baaritaanada la xiriira falkan.

Waxaa kaloo jira dhaawacyo soo gaaray ilaa dhowr qof, kuwaasi oo ay qaadeen gaadiidka gurmadka deg dega ah, si ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Ilaa hada ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarkan maadaama, ay tahay xilli hore, qaraxana uu fuliyay nin isa soo miidaamiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here