Monthly Archives: September 2017

Sawirro Dibad Baxyo Lagu Taageerayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Oo Gil Gilay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Dibad-bax lagu dalbanayo in xal degdeg ah loo helo khilaafka maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Mogadishu ee caasimadda dalka Soomaaliya. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay degaanka Haanta Dheer, degmada Hodon ee magaalada Mogadishu, isugu jirayna haween iyo dhallinyaro, ayaa waxay ka dalbadeen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya inay faragelinta ka daayaan xaaladda cakiran ee ka jirta maamulka Galmudug. ...

Read More »

Xaalada Galmudug ee ka taagan Cadaado oo Xalkeeda u danbeeyay ku soo idlaatay Xilal leeska Qaadayo.

Xaalada magaalada Cadaado ayaa markale waji cusub yeelatay waxaana u muuqataa mid markaan lagu xalinayo xil ka qaadis. Madaxda Galmudug ee khilaafka ka dhex jiro ayaanan wali heshiis ka gaarin waxana mid kasta uu ku adkeesanayaa go.ankiisa. Wararkii ugu danbeeyay ee Mudug24 heshay ayaa tilmaamaya in Xalka uu ku soo aruuray xil ka qaadis. Xil ka qaadista hada la wado ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre “Maanta Wuxuu dalkeenu ku socdaa Jidkii horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khare ayaa xarigga ka jaray Saldhigga Millateri ee Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tababari doono Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxana Munaasabadda Furitaanka ka qeyb galay Taliyaha guud ee Ciidanka Turkiga, masuuliyiin ka tirsan dawladda, Safiirada Beesha Caalamka iyo saraakiil sare oo ka socotay labada dal. Taliyaha Ciidanka ...

Read More »

Qabanqaabadda Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo ka socota Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku ...

Read More »

Ciidamadii faraha badnaa oo laga saaray Cadaado.

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Cadaado ayaa ku guuleystay in Magaalada Cadaado ay ka saaraan Ciidamadii Faraha badnaa ee ku sugnaa Magaalada. Xaaladda Magaalada ayaa caadi kusoo laabatay ka dib markii ciidamadii ku sugnaa la geeyay degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud. Xildhibaano ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi , Mahad Salaad iyo Cabdi qeybdiid ...

Read More »

DF oo qorsheynaysa baajinta Shirkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubbaland.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta sidii ay u baajin laheyd shirka lagu wado in uu ka furmo Magaalada  Kismaayo. Shirkaan ayaa lagu waddaa in uu dhex maro  Madaxweynayaasha  Maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana Martigelinaya Madaxweynaha Jubbaland. Waxaa looga hadlaya Khilaafka soo gala dhexgalay dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda. Mas’uuliyiinta dowladda ...

Read More »

Fiqi: Ugu dambeyn rabitaanka shacabka Galmudug ayaa baaqi noqon doono.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada u tagay Magaalada Cadaado xasilinta iyo badbaadinta Maamulka Galmudug ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ujeedkiisa uu aad u fog yahay kaasoo uu ku sheegay in ugu dambeyn rabitaanka Shacabka Galmudug uu baaqi noqon doono waxa kalana ay meesha ka bixi doonaan. Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri: Hawlo wadahadal galistooda waxey u ...

Read More »

AKHRISO: War Murtiyeed laga soo saaray khilaafka Galmudug.

War-murtiyeed ka kooban Saddex bog ayaa laga soo saaray khilaafka ka dhex jira Madaxda sare ee maamulka Galmudug, kadib wada hadal shalay ilaa maanta u socday xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo Cadaado gaaray iyo Madaxda Galmudug. Xildhibaanada ayaa waxa ay war-murtiyeedka ay soo saareen ku sheegeen in Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu ogolaaday khilaafka in lagu dhameeyo wada ...

Read More »

DHAGEYSO: Faah faahin Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne, gaar ahaan Barxadada Bacadlaha, halkaasi oo ah meel aad u mashquul badan. Qaraxan oo ilaa hada aanay Hay’adaha ammaanka ka bixin in uu ahaa Ismiidaamin iyo in uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goobta lagu soo diyaariyay, iyada ...

Read More »

Booliska oo soo bandhigay Rag Warqado digniin ah ku daadin jiray Muqdisho (SAWIRRO)

Taliska Booliska Soomaaliya iyo Wasaaradda Amniga ayaa si wadajir ah Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska (General Kaahiye) ee Magaalada Muqdisho ugu soo bandhigay Saddex nin iyo qalabka wax lagu daabaco. Goobta raggan lagu soo bandhigay ayaa sidoo kale waxaa ka socday kulanka Todobaadlaha ee Ciidamada Booliska oo Khamiis kasta la qabto, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar ...

Read More »