Monthly Archives: August 2017

Al-Shabaab oo sheegay in ay dileen Ciidamo ka tirsan Puntland

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal Ciidamadooda iyo kuwo ka tirsan Puntland ku dhexmaray meel aan ka fogeyn Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar duqeyn ku bilaawday ku qaadeen fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin meel aan ka fogeyn Buuraha Galgala. Al-Shabaab ayaa war ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ...

Read More »

Shabaab oo gowracay Saddex qof oo Kenyan ahaa August 18, 2017

Ururka Al Shabaab, ayaa weerar ay ka gaysteen Gobolka Xeebta Kenya waxay ku dileen ugu yaraan Saddex qof, iyagoona gubay dhawr guri. Gudoomiyaha Degmada Lamu, Gilbert Kitiyo, ayaa sheegay in weerarkaasi uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay xaafadda Maleli, oo ku dhow Deegaanka Witu. Gudoomiyaha, ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay Shabaabku dab qabadsiiyeen tiro guryo ah, ...

Read More »

Dowlada Galmudug Oo Si’kulul Uga Hadashashay Dagaal Hada Ka Socda Gobalka Galgaduud

Dowlada Galmudug Somaliya Ayaa  maanta sikulul uga hadashay dagaalka maalintii labaad ka socda qaybo  oo ka’mid ah gobalka galgaduud. Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta dowlada galmudug Shiikh Mursal Cabdi Raxmaan oo la’hadlay allgalmudugnews ayaa shegay in xalada deeganka xeraale ay maanta kacsantahay isla markaana waxa uu maamulka Ahlusunna ku eedeeyay inay hurinayaan colaada xeraale. Wasiirka Mursal Ayaa sheegay in xalada ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay ee Jowhar iyo Wasiirada dowladda u dirtay oo kulamo wada (Sawirro)

Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka oo shalay ku baxay xiisada ka taagan Maamulka Hirshabeelle ayaa kulamo la qaatay dhinacyada ay quseyso xiisada, iyadoo lagu wado in gelinka dambe ee maanta ay Wasiiradan dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho. Wasiirada ayaa la kulmay Sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Guddoonka Baarlamaanka  iyo Xildhibaanada, waxayna kala hadleen xiisada ...

Read More »

Soomaaliya iyo Jabuuti  oo kala saxiixday heshiis iskaashi xaga Isgaarsiinta ah

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Eng. Cabdi Canshuur Xasan iyo Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac. Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo wafdigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada isgaarsiinta iyo ...

Read More »

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay gaaray magaalada Jeddah dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maalin un kaddib markii maamulkiisa uu taageeray Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tagitaanka Gaas ee dalka Sacuudiga, iyadoo la sheegayo in casuumaad gaar ah ay u dirtay Sacuudiga isaga iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, si ay sanadkan u ...

Read More »

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal shalay ka dhacay deegaanka Xeraale

Waxaa soo baxay faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaal shalay markale ku dhex maray deegaanka Xeraale maleeshiyo deegaanka ah iyo maleeshiyaad taageersan ururka Ahlu Sunna. Dagaalkii shalay dhacay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 10 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kabadan labaatan iyadoo dadka waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen maleeshiyaadkii dagaalamay. Xaalada degaanka ayaa saaka degen ...

Read More »

Wasiir Eng. Yariisow oo xalay ka qeybgalay casho loo sameeyay dalxiisayaal ajnabi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyey 27 dalxiisayaal Shiine ka yimid oo Muqdisho ku sugnaa maalmahan. Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey shaqsiyaadkii suurtageliyey in 27ka Shiinaha ah inay Muqdisho u soo dalxiistagaan oo welbia geeyey goobo fara badan sida Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale. Wasiir ...

Read More »