Monthly Archives: August 2017

Dhagayso Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Iyo Qasaaraha Ka Dhashay

Dagaal xoogan oo la sheegay in uu u dhexeeyo laba beelood ayaa Ayaa Maanta Kadhacey degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn. Ilaa Sagaal ruux ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen  Kow Iyo Labaatan Kale Way Kudhaawacmeen Dagaalkan ayaa ka bilaabmay dil dhawaan ka dhacay halkaas oo uu ninkii falka geystey Fakaday, iyadoo mudooyinkii u danbeeyey xeerka Buuhoodle uu ahaa ...

Read More »

Dhagayso Maamulka Dagmada Hobyo Oo Ka Warbixiyay Maalgashadayaal Caalami Ah Oo Gaaray Hobyo

Gudoomiye Kuxigeen dagmada hobyo ee dawlad gobaleedka galmudug Maxamuud Maxamed Cawaale  oo waraysi gaar ah siiyay Radio Cadaado ayaa ka warbixiyay wafdi balaaran oo gaaray Dagmada  hobyo oo iskugu jira ganacsato soomaali ah iyo kuwa ajnabi ah Wafdigaan oo kasoo amba baxay magaalada muqdisho ayaa waxa ay dagmada hobyo u tageen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen dhaq dhaqaaqa ganacsi ee dagmada hobyo ayagoo ...

Read More »

Dhageyso:-Wasiir Canshuur oo Maanta hortegay Xubnaha Aqalka Sare

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii 2,aad kala-fadhigiisa Shanaad waxa ay Maanta ku yeesheen magalada muqdisho waxaana maanta hortegay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan kaas oo horgeyay Sharciga Isgaarsiinta dalka kaas oo ay 9 bishaan ay ansixiyeen Xubnaha Golaha Shacabka. Xubnaha Aqalka sare ayuu hortooda ka khriyay Sharciga Isgarsiinta,waxa uuna sheegay in sharcigaan uu ...

Read More »

Booliska Spain Oo Ogaaday Cida Ka Dambeysay Weerarkii Lagu Soo Qaaday Dalkooda

Booliska dalka Spain ayaa sheegay in qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona uu weli dhuumaalaysi ku jiro. Waxa uu boolisku baadigoobayaa nin lagu magacaabo Yoonis Abuu Yacquub, kaas oo ay haatan rumaysan yihiin inuu yahay qofka habeenkii Khamiistii gaariga dadka faraha badan ku jiirsiiyay xaafadda Las Ramblas ee magaalada Barcelona. Weerrarka Khamiistii ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ...

Read More »

Dhagayso: Puntland oo Ciidamadeeda ku sugan G/ Sool heegan gelisay

Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Maamulka Puntland Jimcaale Jaamac ayaa maamulka Soomaliland uga digay in ay geeyaan Sanaadiiqda Codbixinta doorashooyinka deegaanada Gobolka Sool. Waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland haatan heegan buuxa la geliyay islamarkaana Soomaaliland ay cawaaqib xumo la kulmi doonto hadii Sool ay keento Sanadiiqda codbixinta. Waxa uu si gaar ah digniin ugu diray dad uu sheegay in dhaqaalo lagu ...

Read More »

Aqriso: shan  waxyaabood oo ragga u horseeda caafimaad darro!

Www.Radiocadaado.com Maydhashada biyaha kulul waxa la ogaaday in raggu uga badan yihiin ku maydhashada biyaha kulul ama diiran. Biyaha kulul ee qofku qabatimo inuu ku maydho had iyo jeer waxa cilmi baadhayaashu ku tilmaameen in leedahay halis dhanka caaafimaadka ah. Oo ay ugu weyntahay yaraynta habka ragganimo iyo koriimada dareenka ragga. 2:- Ku fadhiisiga meelaha kulul Waxa ay cilmibaadhayaashu tallo ku bixiyeen ...

Read More »

Faafaahin Kasoobaxaysa: Sababihii Keenay in Cali Cosoble Uu Gaaro Muqdisho

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii afartii cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Jowhar. Sida ay sheegayaan wararka Cali Cosoble ayaa u Muqdisho u yimid la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka iyo in xil ...

Read More »

Cabdalla Saalim oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ay ku dileen nin rayid ahaa. Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, iyadoo raggii dilka gaystay ay baxsadeen, kadib markii dhawr xabadood ay ku dhufteen ruuxii ay dilayeen. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Saalim Sayid, dadka deegaanka ayaa sheegay ...

Read More »

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo loo hanjabay

Wali iyadoo Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ay ka taagan tahay Magaalada Jowhar ayaa xilligaan waxaa soo baxaya Xildhibaano iyo Wasiiro sheegaya in lagu Handaday Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Wasiir dowlaha Amniga maamulka Hirshabeelle Bishaar Xasan Xirsi oo Saxaafadda lagu hadlay Magaalada Jowhar, waxaa uu sheegay in loo diiday in galo Hoteel uu ka deganaa Magaalada Jowhar,islamarkaana ciidamo hubeysan ...

Read More »