Xildhibaan Aadan Macalin oo maanta lagu Aasay Jowhar

Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta halkaasi lagu Aasay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa  ka qeyb galay Aaska Xildhibaanka.

Xildhibaan Aadan waxaa qabtay Xaruun deg deg ahaa, waxaana ku dhegay Naqaska, waxaana uu geeriyooday Markii Isbitaalka la geeyay.

55 Sano jir ayuu ahaa Xildhibaan Aadan,waxaana uu xildhibaanada Hirshabeelle uu kasoo galay gobolka Hiiraan.

Aadan Macalin ayaa soo noqday gudoomiye ku xigeenkii Maaliyadda maamulka G/Hiiraan sanadkii 2012-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*