Taliska Booliska Afgooye oo qabtay dadkii ka dambeeyay Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Afgooye

0
27

Saddex ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas la dhaceen gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraayay duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Gaarigaan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhacay meel Isbaaro ay taalay, laakiin horay aanan loogu ogeyn, iyadoo wadihii gaariga uu qaatay go’aan ah inuusanba istaagin.

Cabdirisaaq Aadan Cali taliyaha Saldhiga Booliiska Afgooye oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen laba rag ah kuwaas oo ay ay uga shakisan yihiin ay ka dambeeyeen rasaasta lagu furay Gaariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here