Tahriibayaal lasoo badbaadiyay

0
81

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka liibiya ayaa sheegay in badwaynta Mediterranean-ka ay ka soo badbaadiyeen 102 oo Tahriibiyaal ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sare u kacday tirada Muhaajiriinta ka imaanaya waqooyiga Afrika iyadoo haatan baddu ay tahay mid degan.

Dadkan Tahriibayaasha ah ayaa la sheegay in ay ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Itoobiya, Uganda, Soomaaliya, Tanzania, Kenya iyo dalal kale, waxaana la sheegay in ay doonayeen in socdaal sharci daro ah ku galaan dalalka Yurub si ay u helaan nolol dhaanta mid ay ku heystaan dalalkooda.

Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Xeebaha Liibiya ay dadkaasi soo badbaadiyeen Xilli ay saarnaayeen Doon ka sameysan Bac.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa 7 ka mid ah waxa ay yihiin Dumar.

Xilliga uu soo dhawaado xagaaga oo ay badu degto ayey kooxda wax tahriibaya bilaabaan hawlahooda ay dadka uga soo qaadayaan xeebaha dalka Liibiya. Balse inta badan doonayaha dadka lasoo saaro ayaa ah kuwo duugoobay oo intooda badan bada ku dhex dega.

Ugu dambeyntii, arintan ayaa waxa ay imaaneysaa xilli tahriibayaal ay ku jiraan Soomaaliya aanan tiro yareen ay ku dhinteen xeebaha u dhaxeeyo Talyaaniga iyo Liibiya sanadyadii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here