Dhagayso: Ehlu Suna Oo Oo Laga Saarey Magaalada Xeraale Iyo Xaalada Xeraale Oo Dagan

0
445

Xeraale:( Radio Cadaado):- Inta La Hubo 12 Ayaa Kudhintay 20 Way Kudhaawacmeen Dagaalkii Kadhacey Xeraale Dadka Dhintay Iyo Kuwa Dhaawacmay Ayaa Isugu Jirey Dhinacyadii Dagaalamay. Dagaalkii Maanta Ayaa Qasara Xoogan Kasoo Gaarey Ciidanka Ehlu Suna Sida Ay Radio Cadaado Usheegen Ilo Xogogaal Ah. Sidoo Kale Waxaa Jira Saraakiil Sare Oo Katirsan Ehlu Suna Oo Kudhaawacmay Dagaalkii Maanta. Waxaana Wararku Sheegayaan In Go.doon Ay Kujiraan Saraakiisha Dhaawacan Tahay Waxaana Adag In Ay Lasoo Baxaan Ehlu Suna

Dhinaca Kale Weerar Dhabagal Ah Ayaa Lagu Soowaramayaa In lagu Diley 4 Askari Oo Katirsan Ehlu Suna Halka 8 Kale Oo Katir Ciidan Ehlu Sunana Ay Kudhaawacmeen In La Xaqiijayay. Weerarkaan Ayaa Yimid Kadib Markii Dad Kasoo Jeeda Xeraale Ay Jidka Ugaleen Gaari Ciidan oo Gurmad Ahaa Kasoo Kasoo Baxay Gurceel Kuna Siijeeday Xeraale.Halka Weerarka Kadhacey Ayaa Lagu Magacaabaa
MAYEERAAN Ciidanka Jidka Loogalay Ayaa Doonayay Sida Wararku Sheegayaan Inay Sooqaadaan Dhaawac Saraakiil Katirsan Ehlu Suna Oo Kudhaawacmay Dagaalkii Maanta. Saraakiisha Dhaawaca Ayaa Lasoo Sheegayaa Inay Ku,Godoomeen Nawaaxiga Xeraale, Ilo Xogogaal Ah Oo Lahadlay Radio Cadaado Ayaa Sheegay Saraakiisha Dhaawacmay Ee Ciidanku Ugurmanayeen Inay Kala Yahiin
Maxamed Xaaji Diiriye (xamduur) Oo Ah Sarkaal Ehlu Suna Uqaabilsan Dhanka Tobobarada Sidoo Kale Saraakiisha Dhaawacantay Waxaa Kamid Ah Xasan Maxamed Quure Oo Ah Taliyihii Ehlu Suna Ee Dagmada Gurceel ,Taliye Kuxigeenka Dagmada Dhuusamareeb Ayaa Kamid Ah Dadka Dhaawacmay Sida Ilo Xogogaal Ah Usheegeen Radio Cadaado.  Cabdi Qadar Fanax oo ka mid ah dadka deegaanka Xeraale  Ayaa Arimahaas Uga Waramey Radio Cadaado

HALKAAN KADHAGAYSO CODKA CABDI QADAR

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here