Monthly Archives: July 2017

Ciidamada xasilinta oo qabtay rag hubaysan

Ciidamada xasilinta ammaanka caasimadda Muqdisho oo ku guda jira hawlaha xaqiijinta ammaanka, ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin oo hub ku dhex watay Magaalada gudaheeda. Ciidanka ayaa labadan nin waxa ay ka qabteen Degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Kaawo Godey, kadib markii labada nin oo dhar shacab watay, hubna sitay ciidamada ay isqabteen. Labada nin ayaa isku dayay inay ...

Read More »

Dowladda oo sheegtay in ay lasoo wareegayso 118 Maxbuus

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay kula soo wareegayso Maxaabiis ka badan 118 qof oo ku xiran dalka Hindiya. Waxaa uu sheegay in dhawaan dalka India ay gaari doonaan Xeerilaaliyaha Qaranka iyo Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ay si u soo qaadaan Maxaabiistaasi. Mudane Mahdi ayaa sidoo kale tilmaamay ...

Read More »

Wariye ka tirsan TV-ga qaran Iiraan oo lagu dhaliilay Xijaab la’aan

Gabar ka mid ah wariyayaasha ka howlgala dalka TV-ga qaran Iraan oo lagu magacaabo Azadeh Namdari ayaa waxa si kulul loogu canbaareeyay baraha bulshada . Canbaaraynta ka dhanka ah Azadeh Namdari ayaa timid ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya wariyahan oo cabaysa khamri islamarkana aan xijaabnayn xili ay fasax ku joogtay dalka Switzerland. Cabidda Khamriga ayaa waxa mamnuucday ...

Read More »

DAAWO SAWIRRADA: Lacago badan oo lagu soo bandhigay Baledweyne

Ganacsatada Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , ayaa soo bandhigay lacagtii Shilin Somaliga ee dhawaan laga joojiyay in laga isticmaalo suuqyadda Magaalada Baledweyne. Kulan ka dhacay Magaalada Baledweyne oo ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle sida Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wasiiro ayay kusoo bandhigeen lacagahaasi oo ay sheegeen in ay kala kulmeen dhibaato xooggan. ...

Read More »

Dab ka kacay kaalin ku taalla Guriceel

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dab uu Goor dhow uu ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla degmadaasi. Dabka ayaa la sheegay Kaalinta uu ka kacay in ay ku taallo goob muhiim ah oo ay ka agdhow yihiin Guryo badan oo ay degan yihiin dad Shacab ah. Dabka oo socday muddo ...

Read More »

Hezbollah oo ku dhawaaqday in ay dishay 46 dagaalame

Xoogaga dhaqdhaqaaqa Hezbollah Lubnaan ayay u suurtagashay in ay dib u hantaan gacan ku haynta laba aag oo istiraatiiji ah  dhulka sare ee Arsal ee xadka Syria, islamarkaana ay dilaan  daraasiin ka mid ah  xubno takfiirka  ah ka hawlgala xadka Suuriya. Xafiiska warbaahinta ee taliyaha Hezbollah ayaa dhawaaqay in ay dib u qabsadeen degaanada muhiimka ah Wadi al-Owaini iyo Shubat ...

Read More »

Kenya oo dib u fureysa sohdinta ay la wadaagto Somaliya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay fureyso sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya  kaddib markii uu geeriyooday Wasiirkii amniga gudaha Kenya oo lahaa Hindisaha lagu xiray Sohdinta. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shalay ololaha doorashada ka waday Mandheera ayaa Soomaalida Kenya ugu baaqay in ay doortaan madax ku matali karta Kenya. Waxaa uu Mr Uhuru ku baaqay in Dadka Soomaali Kenyaanka ...

Read More »

Dowladda oo War kasoo saartay Maxaabiistii laga soo celiyay Itoobiy

Dadaal ballaaran oo ay sameysay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib, ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degey 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga. Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelisay Dowladda Federaalka ee Ethiopia iyo Dowlad Degaanka ismaamulka Soomaalidu saaxiibtinnimada ay muujiyeen ee ay kaga dhabeeyeen siideynta maxaabbiista, taas oo ay hore ...

Read More »