Monthly Archives: July 2017

Madaxawyanaha Galmudug oo furay kalfadhiga shanaad ee Barlamanka maamulkaasi kormeerna kusameeyay xarumo ciidan.

Madaweynaha maamulka glmudug axmed ducaale geele xaaf ayaa manta furay kala fadhigii shanaad ee barlamaanka galmudug kaas oo ay kazoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada . Gudmooyiha barlmanka cali gacal casir oo kulanka hadlay ayaa sheegay in sharci badan horyaalan barlamanka isla markana barlamanku sharciyadaas ka doodi doonan. Madaxweyne xaaf ayaa furay kala fadhiga manta ayaa sheegay in ...

Read More »

Kuuriyada Woqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay bil gudaheed

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay markii labaad tijaabisay gantaal dheereeya oo ah kuwa isaga kala goosha qaaradaha. Gantaalkaasi ayaa in kabadan 3000 oo kilomitir hawada ku jiray muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta uusan ku hooban xeebta dalka Japan. Balse Ruushka ayaan qiimeyntaasi ku raacsanayn Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa uuna sheegayaa in gantaalkaasi ...

Read More »

Kenya oo Al-shabab ku eedeysay afduubka Baabuurta ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee

Dowladda Kenya ayaa Xarakada Al-shabaab ku eedeysay in ay afduubteen Gawaarida ololaha doorashada Xisbiga talada haya ee Jubilee ee Mandheera. Taliyaha Booliska Koofurta Mandheera Charles Chacha,ayaa sheegay in Gawaaridii ololaha doorashada Xibsiga Madaxweyne Kenyatta ee taageerayaasha waday lagu afduubtay degaanka Falama ee duleedka Mandheera. Waxaa uu sheegay in Wadihii mid ka mid ah Gawaaridaas iyo qof la socday sidoo kale ...

Read More »

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Isgoysyada Soos iyo Ex-Control Balcad ee Degmada Heliwaa ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare gaystay. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah. Gaariga ...

Read More »

Faahfaahin Duqeyn culus oo ka dhacday Gedo

Diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay inay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay duqeyn ka gaysteen degaano dhaca duleedka Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo. Wararka laga helayo Gedo, ayaa ku waramaya duqeynta diyaaradaha inay la beegsadeen degaanka Kulmis oo dhaca duleedka Degmada Garbahaarey, halkaasi oo Shabaab ay ku leeyihiin Saldhig ciidan. Duqeyntaan oo xalay dhacday ayaa wararka waxa ...

Read More »

Wiil Soomaali ah oo 700 oo dhagax ah kilyihiisa laga soo saaray

Muwaadin Soomaaliyed oo muddo ka xanuunsanaayay kilyaha, ayaa qaliin lagu sameeyay, kadib waxaa laga soo saaray dhagxaan gaaraya 700 sida ay sheegtay dhaqtarad ka tirsan Isbitaal ku yaallo dalka India. Muwaadinka qaliinka lagu sameeyay ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan, waxaana uu ka tagay Magaalada Gaalkacyo, kadib markii dhaqaatiirta ay u sheegeen in kilyihiisa mid ka mid ah Infekshan uu hayo, sidaasina ...

Read More »

Ciidamo badan oo la geeyay Degmada Luuq

Ciidamo fara badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, ayaa la geeyay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ciidankaasi oo laga kaxeeyay degaan ku dhaw Degmada Baled Xaawo. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo gaaraya todobo gaari oo Shan ka mid ah ay yihiin Dhashiikayaal ayaa waxaa la geeyay Degmada Luuq, si dhawaan ay u bilaabaan hawlgalo ka dhan ah Ururka Al ...

Read More »