Weerar lagu qaaday Guriga Madaxweyne kuxigeenka Kenya

0
80

Dabley aan la garaneyn heybtooda ayaa weerartay Guriga Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto, kaasoo ku yaala galbeedka magaalada Nairobi.

Booliska ayaa sheegay in ragga weerarka qaaday ay xoog ku jiireen askari ilaalinayay afafka hore ee Guriga Madaxweyne kuxigeenka.

Warbaahinta Kenya ayaa ku soo waramaya in la maqlayay rasaas ka dhacayay gudaha Guriga Madaxweyne kuxigeenka.

Weerarkan ayaa dhacay, wax yar kaddib markii Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto uu ka baxay guriga.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray guriga, kuwaasoo isku gedaamay guriga Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto.

Weerarkan lagu qaaday Guriga Madaxweyne kuxigeenka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 10 maalmood ay ka harsan tahay doorashada Madaxtinimada dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here