SAWIRRO: Weerar lagu qaaday Guriga madaxweyne xigeenka Kenya

0
20

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in dabley aan la garanaynin ay u dhaceen xayndaabka guri madaxweyne xigeenka Kenya, Willaim Ruto, ku leeyahay degmada galbeedka dalka ku taal ee Uasin Gishu.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka ahaa xoog ku jiireen askari boolisa oo afaafka hore ilaalinayey ka dibna ay galeen gudaha.

Waxaanu intaa wargeysku ku daray in ay dableydaasi wali guriga ku jiraan hase yeeshee ciidan boolis ahi goobta gaareen.

Sidoo kale sawirro laga soo qaaday goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay muujinayaan dableyda oo dilaya Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here