Monthly Archives: July 2017

SAWIRRO: Weerar lagu qaaday Guriga madaxweyne xigeenka Kenya

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in dabley aan la garanaynin ay u dhaceen xayndaabka guri madaxweyne xigeenka Kenya, Willaim Ruto, ku leeyahay degmada galbeedka dalka ku taal ee Uasin Gishu. Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka ahaa xoog ku jiireen askari boolisa oo afaafka hore ilaalinayey ka dibna ay galeen gudaha. Waxaanu intaa wargeysku ku daray in ...

Read More »

Weerar lagu qaaday Guriga Madaxweyne kuxigeenka Kenya

Dabley aan la garaneyn heybtooda ayaa weerartay Guriga Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto, kaasoo ku yaala galbeedka magaalada Nairobi. Booliska ayaa sheegay in ragga weerarka qaaday ay xoog ku jiireen askari ilaalinayay afafka hore ee Guriga Madaxweyne kuxigeenka. Warbaahinta Kenya ayaa ku soo waramaya in la maqlayay rasaas ka dhacayay gudaha Guriga Madaxweyne kuxigeenka. Weerarkan ayaa dhacay, wax yar kaddib ...

Read More »

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta xilka wareejiyay (Sawirro)

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xilka laga qaaday Yaxye Cali Ibraahim ayaa maanta xilka ku wareejiyay Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamuud Xasan (Azhari). Munaasabad kooban oo xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu dambeyn Mr Yaxye xilka ku wareejiyay Xoghayaha Joogtada KMG Mr Azhari, kaasoo horay u ahaa Agaasimaha Wasaaradda. ...

Read More »

Guddiga doorashada oo soo saaray illaa 7 qaab oo ay u dhici karto doorashada 2021 (Akhriso)

Guddiga madaxabannaan ee doorashada qaranka ayaa todobaadkan soo saaray illaa 7 qaab ama hab oo doorashooyinka caalamka u dhacaan, kaas oo midkood la doonayo in laga hirgeliyo Soomaaliya sanadka 2021-ka. Guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey ayaa waxay sheegayaan in shacabka qeybihiisa kala duwan laga doonayo in go’aan ka gaaraan sida iyo qaabka ugu haboon ee doorashada noqon karto, lana qaato ...

Read More »

Al-Shabaab oo afduubatay Gaari loogu ololeynayay Xisbiga Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Gaari ay la socdeen Koox ka mid aheyd Guddiga ololaha doorashada Xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu qafaashay magaalada Mandhera ee Gobolka waqooyi bari Kenya. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka afduubteen gaarigan waqooyiga magaalada Manhera, waxaana la tuhmayaa inay la aadeen dhanka Soomaaliya. Taliyaha Booliska ee waqooyiga Mandhera Charles Chacha ayaa sheegay in afduubkan uu dhacay maalinimadii ...

Read More »

Maalinta caalamiga ah ee cudurka Cagaarshowga (World hepatits Day) oo Muqdisho laga xusay

Xuska Maalinta caalamiga ah ee ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World hepatits Day) oo sanad kasta la xuso 28-ka July ayaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay xarunta kuliyadda Sayniska iyo teknolojiyada Jaamacadda Ummadda ee magaaladda Muqdisho, waxaana munaasabadan lagu soo beegay tababar bishiiba mar loo qabto ardayda wax ka barata kuliyadaha caafimaadka ee 12 Jaamacadood ...

Read More »

Diyaar garowga gogol lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay Cadale oo ka socda Jowhar

Qaban qaabada gogol lagu heshiisiinayo beelo dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo ay ku qul qulayaan magaalada odayaal, nabadoono, culumaa’udiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha la heshiisiinayo. Gogoshan lagu heshiisiinayo beelaha ayaa lagu wadaa in maalinta berri ay ka furanto magaalada Jowhar, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka. Maamulka Hirshabeelle ayaa ...

Read More »

Jawaari “Axsaab Siyaasadeed oo uu dalku yeesho waa muhiim, si loogu gudbo…”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhiso Axsaab siyaasadeed oo uu dalka yeesho, si loo gaaro himilooyinka la hiigsanayo mustaqbalka. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro, dhamaan sharciyadii lagama maarmaanka u ahaa dhismaha Asxaabta Siyaasadeed. “Axsaab Siyaasadeed in dalka uu yeesho waa muhiim. taas ayaa keeneysa in ...

Read More »

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay deegaano ku dhow Garbahaarey

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka geysteen deegaano ku dhow dhow Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan duqeymaha. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaan lagu magacaabo Kulbis, halkaasoo la tuhunsan yahay in Al-Shabaab ay saldhig ku leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen guuxa diyaarado ...

Read More »