Monthly Archives: June 2017

Ciidamada Amniga oo feejignaan sare la geliyay, kaddib weerarkii xalay (Sawirro)

Ciidamada Ammaanka ayaa feejignaan sare ah la geliyay, iyadoo si aad ah u adkeeyay ammaanka inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo wado kasta iyo ciidan noqotay. Waddooyinka waa weyn iyo waddooyinka yar ee loo yaqaano jid cadayaasha ayaa dhamaan ciidamo la dhigay, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka baaritaan ku sameynayay. Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa lagu arkay xaafado dhowr ah oo gaadiidka ...

Read More »

Madaxweynaha Puntland oo furay kalfadhigii 39aad ee Baarlamaanka Puntland

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kalfadhigii 39aad ee Baarlamaanka maamulkiisa, isagoo xariga ka jaray dib u dayactir lagu sameeyay xaruntii golaha wakiilada Puntland ee magaalada Garowe, kaasoo lagu sameeyay dib u dayactir qaab casri ah loo dhisay. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay muddo hiigsaneysay in la sameeyo nidaamka xisbiyada ...

Read More »

Kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay khasaarihii weerarkii xalay ee Pizza House

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixsadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho. Ugu horeyn Wasiirka Amniga ayaa golaha warbixin ka siiyey ...

Read More »

Madaxweynaha oo si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday Pizza House

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii Maqaayadda Pizza House, halkaasoo lagu dilay dad u badnaa rayid oo ay ku jireen gabdho yar yar oo walaalo ahaa. Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri “Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka ...

Read More »

Iskahorimaad u dhexeeya maleeshiyo beeleed oo markale ka bilowday deegaanka Baanyaaley

Iskahorimaad hubeysan oo u dhexeeyo maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda ayaa  markale dib uga bilowday deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo weli socda ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiijiyeen Goob joogayaal halkaasi Ku sugan. Beelaha dagaalamaya ayaa isku heesta dhul daaq simeed ku yaala Baanyaalay ee degmada Maxaas,waxan dagaalkan uu ahaa mid ...

Read More »

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo ka socda duleedka Balcad

Iska horimaad hubeysan oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa ka socda duleedka Koofureed ee magaalada Balcad gobolka Sh/dhexe. Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ka bilowday kadib markii gaari kuwa dagaalka ah uu dul maray miino meel u jirta 8km magaalada Balcad waxaana ku dhintey labo kamid ah ciidamadii saarnaa gaariga miinada la qaraxday halka ...

Read More »

DHAGEESO=Warka dhuhur Ee Radio Cadaado 1/6/2017

Cadaado:- Radio Cadaado:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga radiocadaado.com,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Warka Dhuhur Ee Radio Cadaado . waxaana halkaan ka soo jeediya xasan Mahamed Cisman Farsamadii:- c/lahi Maxamed Jimcaale ( c/lahi qanciye)     HALKAAN KADHAGAYSO BARNAAMIJKA

Read More »

Ahlusunna oo Xirtay Xildhibaan ka tirsan Maamulkooda June 1, 2017

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulkaas ay Xabsiga dhigeen Xildhibaan ka tirsan Maamulka la Magacbaxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca. Xildhibaan  Cibaado Yuusuf Maxamed oo ka mida Golaha Wakiilada Maamulka Isku Magacaabay Gobolada Dhexe ayaa naloo Xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka Ahlusunna ay Xabsiga dhigeen,waxaana la sheegay in ...

Read More »

Al-shabaab oo Macalimiin ka soo Afduubtay Gudaha Wadanka Kenya= June 1, 2017

Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya Al-shabaab ayaa Degaanka Faafi oo Hoostaga Magaalada Gaarisa Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ka soo Afduubtay Labo Macalin oo Bare ka ahaa Iskuul ku yaalla Degaanka Faafi. Saraakiisha u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in Kooxda wax Afduubatay ay Labada Macalin ay la aadeen dhanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Al-shabaab ay ...

Read More »