Monthly Archives: June 2017

Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay burbur xoog leh oo ka jira wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

MUQDISHO(Radio Cadaado) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay dadku ku qabaan adeegsiga Wadada Laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato xoog leh ku qabaan adeegsiga Wadada Laamiga ah ee Xiriirisa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Degmada Jowhar,Wadadan oo aan ...

Read More »

Xaalad Caafimaad darro oo lasoo deristay dadka kunool deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud

BAXDO(Radio Cadaado):- Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxda ee Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramaya iney halkaa ka taagan tahay xaalad nolol xumo iyo caafimaad darro haysata dadka shacabka ah ee kunool deegaankaasi. Xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah ayaa ka taagan deegaanka Baxdo oo aan lahayn Xarumo Caafimaad isla markaane aysan joogin Hay’addo dadka shacabka ah ka caawiya dhanka adeegyada ...

Read More »

Dab khasaare geystay oo xalay ka kacay Dekedda Magaalada Berbera

BERBERA(Radio Cadaado):-Dab xoog leh ayaa xalay ka kacay Dekedda Magaalada Berbera,Dabka ayaa yimid kadib markii uu Qarxay Konteenar yaalla Barxada lagu Kaydiyo Konteenarada ee Dekedda Magaalada Berbera. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in Konteenarka Qarxay uu siday (ACID) taasine ay dhalisay Qarax walow aysan si faah faahsan uga hadlin Arintan oo Cabsi iyo Argagax ...

Read More »

Wada hadalo hoose oo u socda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca

CADAADO(Radio Cadaado)Wada hadalo Hoose ayaa u socda Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca sida uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa warbaahinta u sheegay iney socdaan wada hadalo hoose oo la doonayo in lagu soo afmeero khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexjira Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca. Beesha Caalamka iyo Dowladda ...

Read More »

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ku riday ninkii dilay Wasiirkii Howlaha Guud (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku riday  Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Marxuum Cabaas Siraaji. Dhageysiga Kiiskan oo todobaadkii hore la soo gaba gabeeyay, markii maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaasha iyo qirashada ninkan lagu helay dilka ayaa ugu dambeyn saaka riday xukunka. Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ...

Read More »

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo ka hadlay Xiisada Jabuuti iyo Eritrea

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisada ka soo cusboonaatay dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kaddib markii Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka lagu muransan yahay ee xuduuda labada dal ay wadaagaan. Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa dalalka Khaliijka ay sababtay inuu dib u cusbnaado khilaafkii dhanka sohdimaha ee u dhaxeeyay dalalka Eritrea ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo dalka eriday Madaxii Hey’adda FAO (Dhageyso)

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in dalka laga saaro madaxa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaano FAO Mr Richard Trichard. Richard Trichard ayey dowladdu ku eedeysay inuu gaystay dhaqan ka baxsan xirfadda oo meel uga dhacaysa heybaddii iyo sharaftii wakiilnimo ee Soomaaliya. Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Qaramada Midobay ayaa VOA u sheegay ...

Read More »

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Baardheere, Al-Shabaab oo weeraray xero ciidan

Dagaal xooggan oo saacado socday ayaa xalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xero ciidan ay lahaayeen Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM. Weerarka ayaa ku bilowday madaafiic iyo baasuukayaasha garbaha laga rido, iyadoo kaddib uu bilowday dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac isu adeegsadeen hubka ...

Read More »

DAAWO: Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo laga laabtay

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhowaan ka gudbiyay mooshin guddoomiyaha  baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre ayaa ku dhowaaqay in ay dib ula laabteen mooshinkii ay ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka. Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Caddow oo u hadlay xildhibaanadii ka gudbiyay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dib ula laabteen mooshin ay saxiixeen 39 xildhibaan iyagoo ...

Read More »