Shirka Qaxootiga oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Uganda

0
16

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda maanta waxaa lagu soo gaba gabeynayaa shirka looga hadlayo arrimaha Qaxootiga, kaasi oo shalay ka furmay halkaasi.

Madaxda shirkan ka qeyb galeysa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Gani Alfa Victor Okong’o, Madaxweynaha wadanka Gabon Ali Bongo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), kan Zambia Edgar Lungu, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Xoghaya Guud ee QM Antonio Gutters iyo madax kale.

Dhinacyada shirkan ka qeyb galaya ayaa waxa ay isla garteen muhiim in ay tahay in wax loo qabto Qaxootiga, si aysan u dareemin midab takoor iyo cidlo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay shirkan in muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya, lagana doonayo shacabka Soomaaliyeed in ay cashar ka qaataan dadkan Qaxootiga ah ee ku dhaqan Uganda.

Uganda ayaa iminka martigelineysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qaxooti ah, waxaana ay fileysaa in ay uruuriso lacag dhan Laba Bilyan oo Dollar, taasi oo lagu caawinayo Qaxootiga labada sanadood ee soo socota.

Gaba gabada shirkan ayaa waxaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed, kaas oo muujinaya wax u qabashada dadka Qaxootiga ah ee ku nool dunida, gaar ahaan kuwa Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here