Monthly Archives: May 2017

Maareeye kuxigeenka Dekeda Muqdisho oo loo magacaabay Maxamed Axmed Diiriye

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maareeye kuxigeenka koowaad ee Dekeda Muqdisho. Warar la helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in Maxamed Axmed Diiriye loo magacaabay xilka Maareeye kuxigeenka Dekeda Muqdisho. Wiilka uu dhalay Nabadoon Axmed Diiriye ayaa lagu bedelay wiil uu dhalay Xildhibaan Cagaweyne oo ...

Read More »

Gaadiidka AMISOM oo laga mamnuucay Wadada Maka Al-Mukarama

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in Gaadiidka kala duwan ee AMISOM ay isticmaalaan Wadada Maka Al-Mukarama. Wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha ayaa lagu caddeeyay in wixii ka bilowda 8-da bisha May oo ku beegneyd shalay aanay Gaadiidka AMISOM isticmaali karin inta u dhaxeysa Isgoyska Sayidka illaa Isgoyska Banaadir. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ...

Read More »

Qarax xooggan oo ka dhacay Maqaayad ku taal Wadada Maka Al Mukarama

Qarax xooggan ayaa galabta ah ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama, gaar ahaan maqaayad caan ah oo ku taal laamiga dhinaciis, iyadoo la soo warinayo inuu qaraxa dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay ka soo horjeedka Shineemo Soomaali oo ay ku yaallaan goobo ganacsi, sida maqaayad iyo hotel. Wararka ayaa sheegaya ...

Read More »

Kuxigeenka Hanti dhowrka Guud oo si KMG ah loogu wareejiyay xilka

Kuxigeenka Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa maanta si KMG ah loogu wareejiyay xilka, kaddib munsaabad maanta dhacday, iyadoo xilka uu la wareegay, iyadoo uu goobta ka maqnaa Hanti dhowrihii xilka laga qaaday. Xil wareejinta oo ka dhacday xafiiska Hanti dhowrka Guud oo ku yaalla Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ...

Read More »

Taliye cusub oo loo magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir

Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano Faranfar ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo Taliye cusub loo magacaabo. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee loo magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabaa Col. Saadaq Cumar Xasan oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Galmudug. Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Saadaq John inuu ...

Read More »