Monthly Archives: May 2017

DHAGEYSO:-Warka Subax Ee Radio Cadaado (21-05-2017)

Cadaado:- Radio Cadaado:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga radiocadaado.com,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Warka Subax  Ee Radio Cadaado . waxaana halkaan ka soo jeediya Wariye Nuuradiin Nadka Farsamadii:-  Crisaaq Alcadaala     HALKAAN KADHAGAYSO BARNAAMIJKA   Warka Subax Radio Cadaado 21=05=2017

Read More »

Haweeney muddo toban sano ku shaqeysanaysay inay tahay nin

Haweeney u dhalatay dalka Tanzania ayaa muddo toban sano waxa ay u bareertay in ay ka shaqeysato godadka laga qodo dheemanta iyadoo la aaminsanaa inay tahay nin. Pili Hussein waxa ay ka dhalatay qoys xoolo dhaqato ah waxayna walaalo ahaayeen 37 carruur ah, balse waxaa necebeysatay nolosha qoyskeeda. Pili aabaheed ayaa ula dhaqmi jirey sida wiilashiisa oo kale waxana uu ...

Read More »

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo gaaray magaalada Riyadh

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir uu la yeelanayo Madaxda wadamada Islaamka. Donald Trump ayaa booqasho rasmi uga bilaabatay dalka bariga dhexe, taasoo ah booqashadiisa u horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa, iyadoo sidoo kale ...

Read More »

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si adag uga hadlay arrinta maqaamka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir, isagoo ku baaqay inay waajib tahay in Gobolka Banaadir heli xuquuqdiisa, isagoo taageeray in dadka deegaanka ay ka tashtaan aayahooda. Cali Cosoble ayaa sheegay in Muqdisho iyo Banaadir ay labo kala tahay, isagoo xusay in Banaadir ay tahay deegaan dad leeyahay oo fac ka fac soo jiray iyo Muqdisho ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti oo maanta booqasho ku tagaya Hargeysa

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagi doona magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale, taasoo noqoneysa booqashadii u horeysay oo mas’uul sare oo ka tirsan Jabuuti ku tago maamulka Somaliland. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa lagu tilmaamay in aanay aheyn mid siyaasadeed, balse lagu sheegay inay tahay booqasho uu ugu tagayo dadka ay ehelka yihiin oo ku ...

Read More »

Kumanaan Arday oo maanta u fariisanaya Imtixaanka mideysan ee shahaadiga

Kumanaan arday oo sanadkan ka baxaya Dugsiga Sare ee dalka ayaa maanta u fariisanaya Imtixaanka mideysan ee shahaadiga, kaasoo si wadajir uga bilaabanaya gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka. Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee shahaadiga. Imtixaanka Dugsiga Sare ayaa ka bilaanaya deegaanada maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, ...

Read More »

War Deg Deg ah:- Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careeysan oo ku Dagaalamay Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu ka socdo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Dhalinyaro Careysan oo ah kuwa Magaalada Laascaanood. Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Galabta Ciidamada Somaliland ay Xabsiga dhigeen ku dhawaad 50 Oday oo ka mida kuwa Magaalada Laascaanood,waxaana la sheegay in Amarka lagu xiray Odayaasha ay ...

Read More »