Monthly Archives: May 2017

Boqorka Qadar oo casuumaad u soo diray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqdo magaalada Doxa ee dalka Qadar, kaddib markii uu casuumaad uu ka helay Boqorka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamid al-Thani. Kulan Madaxweynaha iyo Boqorka Qadar ku yeesheen magaalada Riyadh ayay uga wada hadleen xiriirka labada dal. Agaasimaha Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Boqorka Qadar iyo ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha oo soo gaba gabeeyay wajiga koowaad ee la xisaabtanka Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaba gabeeyay wajiga koowaad ee la xisaabtanka Wasiiradiisa, taasoo shalay soo bilowday, iyadoo Wasiirada mid mid loogu yeerayo, lagana dhageysanayo waxqabadkiisa boqolka maalmood. Qorshaha la xisaabtanka Golaha Wasiirada oo ah mid cusub, ayaa ujeedkiisa yahay sidii Ra’iisul Wasaaruhu u qiimeyn lahaa wasiir walba waxqabadkiisa boqolka maalmood ee ugu horeeya Xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howl galada xasilinta ee ka bilaabanaya Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howl galada xasilinta ee dhowaan lagu wado inuu ka bilowdo magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan howl gal lagu sugayo Muqdisho, ka hor bisha Ramadaan. “Howl galada dhowaan ayay bilaaban doonaan, waxay ciidamada amniga guri ...

Read More »

Maxay tahay Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ?

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa radio cadaado  u xaqiijiyay in dib loo dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf oo lagu waday in maanta lagu caleemo Saaro Magaalada Cadaado. Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka maqan ,islamarkaana lagu waday in uu ka qeyb galo ...

Read More »

Madax ka tirsan Xisbiga Waddani ee Somaliland oo xukun lagu riday

Xoghayihii waaxda dhallinyarada iyo Sportiga ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maanta maxkada gobolka ee Hargeysa ku xukuntay hal sano oo xadhig ah. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa, Mawliid Cabdi, ayaa BBC-da u sheegay in Yoonis lagu helay denbi uu ku tilmaamay -khalkhal gelin nabadgelyada iyo faafin warar been abuur ah. ...

Read More »

CHAMPIONS: Real Madrid Oo Ku Guulaystay Koobka La Ligaha, Ronaldo & Benzema Oo Guushan Ku Soo Hogaamiyay Los Blancos Iyo Zidane Oo Madrid U Qaaday Koobkiisii Ugu Horeeyay Ee La Ligaha.

Real Madrid ayaa ku guulaysatay koobka La Ligaha kadib markii ay guul raaxo leh ka soo gaadhay kooxda Malaga waxaana guushan Los Blancos ka caawiyay Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema oo min hal gool dhaliyay. Zinedine Zidane ayaa koobkiisii ugu horeeyay ee La Ligaha la qaaday Los Merengues isaga oo macalinka Madrid ah. Real Madrid ayaa koobkan ku guulaystay tan ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Riyaad May 21, 2017

radiocadaado:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Riyaad ee Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Riyaad ku soo dhaweeyay Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan iyo xubno kale. Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaanndhiga, Wasiirka Qorsheynta iyo Taliyaha Nabad Sugidda. Maxamed ...

Read More »

DHAGEYSO: Dagaal Ka Dhan Ah Shabaab oo Bilabaanaya:- May 21, 2017

Radiocadaado :-Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali (Caanood) ayaa waxa uu sheegay dhowaan in uu bilaabanayo Dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaasi oo looga saarayo guud ahaan dalka. Waxa uu sheegay Abaanduulaha in la diyaariyay dhammaan Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo loo dhameystiray Sahnadoodii Millatari. Gen. C/laahi Cali (Caanood) Abaanduulaha Ciidanka Xoogga ...

Read More »

DHAGEYSO:-Warka Dhuhur Ee Radio Cadaado (21-05-2017)

Cadaado:- Radio Cadaado:-Akhristeyaasheena ku Xiran Bogga radiocadaado.com,waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa Warka Dhuhur  Ee Radio Cadaado . waxaana halkaan ka soo jeediya Wariye Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Daacad ) Farsamadii:-Ali Najiib ( Ali Toll Man )     HALKAAN KADHAGAYSO WARKA DHUHUR EE RADIO CADAADO   

Read More »